Show sagaaro ima barato!

W. Q. Daahir S. Xuur

Sagaaradu waxa ay ka mid tahay duurjoogta dalkayagu hodanka ku yahay. Sheeko xariir baa lagu sheegaa in Oday la yaabay sababta ay sagaaradu mar walba oo ay isaga aragto uga cararto. Isaga oo taa ka falcelinaya ayuu yiri “Show Sagaaro ima barato!”

Haddii aan u dhoco dulucda qormadaydan, waxa ay ku timid dhacdadii toddobaadkii hore xilka looga xayuubiyey siddeed ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka Puntland. Bishii Noofeembar bartankeedii mar aan Garoowe tagayna waxaa si xooggan u socday mooshin lagu sheegay in lagu bar tilmaameedsanayay labada guddoomiye ku xigeen ee baarlamaanka, kuwaas oo lagu eedeynayey in ay u janjeeraan dhanka xukuumadda. Show sagaaro ima barato! Ma illaaween maanta in cidda xukuumadda haweysata loo yaabayo, odaygii Dhoobo-Daareedna noqday sida dibigii la qalay si ay weyshu ugu quus qaadato.

Dhanka shacabka, madaxweynuhu waxuu sheegay in xukuumaddu ay canshuurta doollar ku qaadayso, taas oo keentay bannaanbaxyo teel-teel ah oo ka dhacay magaalooyinka Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacayo, kuwaas oo shacabku ay ku muujinayeen culayska ay yeelan karto haddii Shilin Soomaaliga la diido. Shacabku ma illaaween in xukuumadaha Puntland aysan shacabka waxba u ogeyn? Heshiiskii fashilmay oo Dekedda Boosaaso lagula galay, jidkii isku xirayey Garoowe iyo Gaalkacayo, iyo mashruucyadii la lunsaday baa tusaale inoogu filan.
 
Ugu dambeyn, Puntland muddadii ay jirtay, dowladnimadeedu waxay ahayd nidaam yar oo Soomaalida kale loogu tookho, gudahana lacag la’isaga daliiqdo, sidaa awgeedna “Libaaxii la tag bartay, ka dhiga waa ku ceeb”, aynnu waxa haray cayminno, innaga oo xulaynna xilkaska, xaddidayna xaalufka, si xorriyad lehna nolol ku dhisan xalaal yagleelno.

W. Q. Daahir S. Xuur, Nugaal.

PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.