Puntland: Xildhibaanno xasaanadda laga qaaday oo go’aan adag ku dhawaaqay

Todoba kamid ah sideed xubnood oo Khamiistii Baarlamanka Puntland uu xasaanadda ka qaaday, oo xalay warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in aan sifo sharci ah loo marin xasaanad ka qaadistooda.

Todobada mudane, ayaa beeniyay eedaymaha loo cuskaday xilka qaadistooda, waxaana ay ku tilmaameen kuwa siyaasadaysan oo dano gaar ah laga leeyahay, islamarkaana ay dabada ka riixayso xukuumadda Puntland, si aan loola xisaabtamin.

Sidoo kale, waxay sheegeen in aysan aqbali doonin xilka xayuubinta lagu sameeyay, balse ay Hannaan sharciga waafaqsan u mari doonaan burinta xasaanad ka qaadistooda, maadaama sida ay sheegeen ay weli xasaanad leeyihiin.

Mudanayaasha hadlay waxay kala yihiin; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Muuse Siciid Xassan (Jajabsay) , Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.

Hal mudane oo keliya, ayaa ka maqnaa sideedii xubnood ee xasaanadda laga qaaday, kaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore).

PUNTLAND POST