Dagaal ka dhacay Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa saaka ku dagaalamay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo jabhad hubaysan oo uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Gen. Xuud, kuwaas oo diidan in magaalada uu tego Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Gen Xuud oo ka yimid dhinaca degaanka Ceel-gaal ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo nawaaxiga garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, kadib markii ay ka warheleen in Maanta uu Beledweyne ku wajahan yahay Madaxweyne Guudlaawe.

Dagaalka ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa la xaqiijiya in ay ku dhaawacmeen laba ruux oo mid kamid ah uu yahay dhinacyadii dagaalamay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay y Isbitaalka Magaalada Beledweyne.

Beledweyne waxay saaka ku jirtaa xaalad dagaal oo jaahwareer ah iyo fowdo waxaana malayshiyaad Gen. Xuud sheegteen in ay qabsadeen qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

PUNTLAND POST