Mooshinkii Baarlamanka Puntland oo xaalad ciidan lugaha la galay

Ciidamo xooggan oo daacad u ah Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa saaka oo Khamiis ah ka soo baxay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, waxaana ay ku wajahan yihiin caasimadda Puntland ee Garoowe.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, ayaa xalay dalbaday in Badhan laga soo diro Ciidamadan, xilli ay Garoowe ka socdaan laba mooshin oo iska horjeeda, kuwaas oo midkood la doonayo in lagu rido Guddoomiyaha, halka kan kalena xilka looga xayuubinayo xildhibaannada isaga mucaaradsan.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland oo laba Garab u kala jaban, ayaa tan iyo xalay waday abaabul culus oo iska horjeeda, waxaana labada Garab midba doonaya in uu Garabka kale mooshin ka keeno, xilli saaka loo ballansanyahay Kulanka Baarlamanka.

Guddoomiye Cabdirashiid, ayaa riixaya mooshin la doonayo in Baarlamanka looga saaro qaar kamid ah xildhibaannada isaga mucaaradsan, halka xildhibaannadaasna ay wadaan mooshin culus oo la rabo in xilka looga qaado Guddoomiyaha.

Xarunta Baarlamanka, waxa maalin ka hor si rasmiya loogu wareejiyay Ciidamo Booliisk ah, kadib markii xildhibaannada qaarkood cabasho ka muujiyeen Ciidamadii hore ee Ilaalada Xarunta, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in uu adeegsado Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

PUNTLAND POST