In ka badan 35 xildhibaan oo saxiixay mooshin xilka looga xayuubinayo xildhibaanno ka tirsan Puntland

In ka badan 35 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, ayaa hadda saxiixay mooshin xilka looga xayuubinayo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, oo mucaaradsan Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xildhibaannada mucaaradsan oo doonayay in ay mooshin ku ridaan Guddoomiyaha Baarlamanka, ayaa xalay  kala furfuray, waxaana ciyaarta loo rogay dhinaca kale, kadib markii qaarkood lala heshiiyay, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen Ilo’ wareedyo sugan.

Dhammaan waddooyinka waaweyn ee soo gala xarunta Golaha Wakiilada Puntland, ayaa saaka lagu daadiyay ciidamo xooggan oo ka tirsan laamaha Amniga dowladda Puntland.

Kulanka xildhibaannada Baarlamanka ,oo hore laba jeer u baaqday, ayaa saaka loo ballansanyahay, waxaana la doonaya in xilka laga xayuubiyo xildhibaanno si adag u mucaaradsan Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil, kuwaas oo isaga mooshin ka keenay .

PUNTLAND POST