Gen. Odowaa oo tababar u soo xiray curubyo ka tirsan Kumaandooska DANAB

Taliyaha Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage, ayaa Xerada Ciidanka Kumaandooska ee Balli-doogle tababar ugu soo xiray  cutubyo ka tirsan Kumaandooska DANAB.

Intii Munaasabaddu ay socotay, ciidanka Kumaandooska ayaa soo badhigay dhoola tus heerkiisu sarreeyo, kaa soo ay ka mid ahaayeen habka Cadawga loo bartimaameysto, Difaaca iyo sidoo kale Dab-rid ay ka muuqato Xirfad Sare.

Tababarkaan oo gacan ay ka geysatay dowladda mareykanka ayaa socday muddo dheer, waxaana bixinayey macalimiin ka tirsan kumaandooska Danab.

Taliyaha Ciidanka Milateriga Sareeye Guuto General Adawaa Yuusuf ayaa sheegay in cutubyadan DANAB ee Tababarka u soo dhamaaday ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waxaa na hortaalo Howl badan waxaana na sugaayo Umadda Soomaaliyeed oo marxalado kala duwan soo martay waxayna ku rajo weyn yihiin in meelaha Cadawga wali joogo in aad u timaadaan oo gacmihiin ugu dal qaadaan adinkoo kaashanaayo Allah.” Ayuu yiri Odowaa.

PUNTLAND POST