Baarlamanka Puntland oo xasaaanadda ka qaaday 8 mudane

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland, ayaa Saaka oo Khamiis ah xasaanadda ka qaaday 8 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.

Mooshin boobsiis ah oo xalay laga shaqeeyay, ayaa saaka lagu riday 8 xildhibaan oo loo jeediyay eedaymo kala duwan, kuwaas oo si adag u mucaaradsanaa Guddoomiyaha Baarlamanka, islamarkaana doonayay in ay mooshin ku ridaan.

35 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa u codeeyay xil ka xayuubinta xildhibaannada, 3 mudane ayaa diiday, halka mid kalena ka aamusay.

Xildhibaannada xasaanadda laga qaaday waxay kala yihiin; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Xil. Saleebaan Faarax Ciise, Xil. Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Xil. Muuse Siciid Xassan, Xil. Maxamuud Maxamed Barre, . Xil. Cabdicasiis Siciid Maxamuud iyo Xil. Maxamuud Axmed Caalin.

PUNTLAND POST