Khilaaf iyo jaahwareer ka aloosan degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari

Degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, waxa ka aloosan khilaaf iyo jaahwareer ka dhashay hannaanka loo qaybiyay Golaha Degaanka degmadaas oo shalay la shaaciyay.

Qaar kamid ah Beelaha deggan Isku-shuban, ayaa ka horyimid hannaanka loo qaybiyay xildhibaannada Golaha Degaanka, kuwaas oo ka kooban 27 xubnood, islamarkaana ay shalay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Wasaaradda ayaa lagu eedeeyay  in ay iskeed u qoratay liiska xildhibaannada Golaha Degaanka, iyadoo aan kala tashan Odayaasha iyo Nabaddoonada Beelaha deggan Isku-shuban, waxaana halkaasi ka dhashsy muran iyo khilaaf cusub.

Balse, Wasaaradda ayaa sheegtay in sababta looga booday Odayaasha iyo Nabaddoonada degaanka ay tahay in ay ku heshiin waayeen hannaanka qaybsiga xildhibaannada Golaha Degaanka oo muddooyinkii dhismihiisu socday.

PUNTLAND POST