Gulufka Tigray lagu qaaday waa dhabbaha loo soo marayo duulaanka Soomaaliya lagu soo wado!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

{Somaaliya mar kale dhiig waa loogu wan qali!}

Abiy wuxuu door biday inuu Tigray cudud ku maquuniyo si ay quus ugu noqoto kuwa uu u dan leeyahay!

Waxaa shaki la’aan ah in dowladnimmada Itoobiya ay ahayd mid ku dhisanayd falsafaddii guumeystayaashii ku soo duulay qaaradda Afrika si ay xoog ugu qabsadaan dalalkaas kheyraadkoodana u boobaan, Itoobiya fikradaheeda iyo falsafaddeeda ku dhisan guumeystanimmada ayaa ah calaamad gaar ah oo ay kaga duwantahay dalalka kale ee Afrika oo dhan. Boqortooyooyinka xukunkeeda iska dhaxlayna ilbaxnimmada iyo waxa ugu muhiimsan ee ay Afrikada kale uga duwanaayeen waxay ahayd iyagoo aaminsanaa inay dal iyo dad kale xoog ku qabsadaan ama ay ku xukumaan, waana dhaqan siyaasadeed oo ay ka barteen isla markaasna la hana qaaday sidii ay ugu milmeen guumeystayaashii ku soo duulay Afrikada kheyraadka la ciirciiraysa ee wali dihan. Fikirkan gumeystanimmada ee dalka Itoobiya ayaa asalkiisa wuxuu ka soo bilowday habkii boqortooyada ahaa ee qowmiyadda Amxaarrada ay dalka Itoobiya ku soo maamulaysay boqolaal sano, midkaasoo nidaamka dhaqaalihiisu ku soo dhisnaa inuu addoonsado beeralayda qowmiyadaha kale gaar ahaanna qowmiyadda Orammada, waxaana intaas dheer oo nidaamka guumeysinimo iyo inay Itoobiya  dalalka deriska dammaaciso sii dhiiri geliyay shirkii ka dhacay magaallada Berlin November 1884kii ee  guumeystayaashii reer Yurub ay ku qaybsanayeen qaaradda Afrika, kaasoo ay Itoobiya ka ahayd xubin buuxda.

Itoobiya (boqortooyadii Amxaarrada) ka qayb galkeedii shirkii Berlin ka dib waxay is fahamsiisay siyaasad ah inay qayb ka noqoto barnaamijkii  guumeystuhu ku qabsanayay dalalka Afrika, waxaase nasiib wanaag ahaa inay ahayd boqortooyo taag daran oo ku tiirsan dhaqaalo ahaan boobka ay ku haysay shacabka ay xoogga ku haysatay ee beeraleyda ah,  awooddeeduna xag siyaasadeed, ciidan iyo dhaqaale ma gaarsiisanayan heer ay ku maareyn karayso inay qabsato dalal kale waxayna magan u ahayd gacanta ay ka helayso guumeystayaasha kale ee reer Yurub, waana gacan siintaas midda ay ku caburisay qowmiyadaha kale ee dalkaas, aakhirkiina u suuro gelisay inay boobto gobolka Soomaaliyeed ee illaa iyo maanta ay iyada maamusho, waliba arrintan in guumeystuhu gacan siiyo Itoobiya waa mid wali socota waana midda maalin kasta laynagu barayo inay Itoobiya tahay dal xoog weyn oo tirada dadkiisa ay gaarayso boqol iyo dhowr iyo toban milyan! waana midda colonel Abiy Axmed uu rabay inuu inoo mujiyo markii uu bishii June 16, 2018kii ka soo degay gigada diyaaradaha Muqdisho isagoo kabo dacas ah qaba oo waliba labo bil iyo bar keliya magacaaban oo xilka haya!…

Booqashadaas Abiy Axmed sida ay dadka u qaateen ma ahayn mid kedis ah laakiin Colnel-ka Itoobiya xukuma wuxuu dalka yimid isagoo wata heshiis lagu wada dhameystay wada hadalo xagga khadka telefoonka ah, waxaana taas si dhib yar looga dheehanayay degdegta loo gaaray  heshiiskaas dalkii oo dhan  uu Farmaajo ugu saxiixay cadowgii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya. Sida hadda soo if baxaysa heshiiska uu Farmaajo ugu saxiixay  afarta dekedood Colnel Abiy Axmed (waaba haddii uu u saxiixi karo e’) iyo heshiiska is-dhex galka labada dad ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu ku bedeshay ballan qaad ujeeddadiisu ahayd in isagana ay Itoobiya ku ilaaliso inuu waligiis xukumo Soomaaliya, talaadaas waa mid wali taagan waan sababta ugu weyn ee uu Colonel Abiy Axmed ciidammadiisa u soo dhoobay xudduudaha dalka. Heshiiskaas ay wada gaareen labadaas nin oo meel ka dhac ku ahaa qaranimmada, ummadnimmada, iyo dastuurka dalka u yaala oo aan ummadda Soomaaliyeed waxba lagala socodsiin ayaa waxaa taageero u muujiyay dalalka reer galbeedka ah qaarkood oo ay ugu horeyso dowladda Maraykanka, waxaa sidoo kale si dhow ula shaqaynayay xafiiska Midowga Afrika, oo isaga ay marar badan ka muuqato inuu si weyn uga haybaysanayo dalka Itoobiya marka ay timaado arrimaha Soomaaliya ama xataa sida marar badan dhacda dalalka kale ee Afrika. 

Tigray labaad waxay noqon doontaa Soomaaliya!…Farmaajana wuxuu Abiy u Saxiixay 533km oo biyaha xeebaha woqooyi ee Soomaaliya

Qorshaha Colnel Abiy Axmed ee duulaankiisa ku wajahnaa Soomaaliya ayaa waxaa si toos ah iyo si dadban uu gacan uga helayay xubno ka mid ah waxa Beesha Caalamka loogu yeero, oo ay ugu cadcadaayeen dalalka Maraykanka, Qatar, Midowga Immaaradaha Carabta, Sacuudiga, iyo Eritrea, qorshaha duulaankaas oo ay soo bilowday xukuummaddii EPRDF (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) oo ay hormuudka ka ahayd jabhadda TPLF (Tigray People’s Liberation Front) ayaa marba heer soo joogay isla markaasna ay wajiyadiisa isla  bedbedelayeen hadba nooca ay yihiin siyaasiyiinta markaas talada Soomaaliya haya, iyadoo ay sir-doonka dalalkaas mar kastaba Itoobiya kula shaqayniyeen barnaamijkii uu Maraykanka horseedka ka ahaa ee uu ku doonayay inuu Itoobiya xeebaha Soomaaliya ku soo dejiyo, kaasoo si cad u soo shaac baxay xilligii madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf, markaas oo u qaybsanihii wasaaradda  arrimaha dibadda dowladda Maraykanka ee arrimaha Afrika Jendayi  Frazer oo iyada lafteed asal ahaan ka soo jeeday dalka Itoobiya gaar ahaan Qowmiyadaha Koonfureed (Southern Nations) ay si cad ugu goodisay inaan dal 100 million ah bad la’aan ahaan karayn, waxayna noqotay oraah ilaa iyo maanta ay hal-hays ka dhigteen madaxda, siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidammada dalka Itoobiya! Waase yaabee goormaa Soomaaliya goodis iyo kibir wax looga qaadi jiray?!

Dhammaan qorshayaasha ay ku heshiiyeen ilma Xabuush Isaias Afwerki  iyo Abiy Axmed iyo Trojan Horse (Maxamed Cabdullaahi Farmaajo) ayaa waxaa ugu muhiimsan marka hore in la burburiyo nidaamka federal-ka ah ee ka jira Soomaaliya iyo Itoobiya si talada looga fogeeyo madaxda maamul-goboleeddada iyo guud ahaan dadka shacabka ah taladana ugu soo ururto hal meel, si taas loogu guuleystana waxaa lama huraan ahayd  in la burburiyo is-maamulk Tigray ee woqooyiga Itoobiya oo ahaa xudunta iyo awoodda uu ku tiirsanyahay nidaamka federal-ka dalkaas. Waxaa iyadana aan wax shaki ah ku jirin in Farmaajo uu rabo inuu burburiyo nidaamka Federaalka ah si uu awood dhexe oo gacantiisa ku urursan dalka ugu maamulo isla markaasna ay dowladaha Itoobiya iyo Eritriya ay ku ilaaliyaan awoodda iyo xukunka Soomaaliya. Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki ayaa isku waafaqay kana dhaadhiciyay Farmaajo in Soomaaliya baddeeda ku bedesho xukunka dalka oo uu hayo inta uu noolyahay. Xogta aan helnay ayaa si cad u tilmaamaysa in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u saxiixay Abiy Axmed laga soo bilaabo badda Zaylac ilaa masaafo gaaraysa 533km. Itoobiya oo hadda leh 6 markab oo kuwa dagaalka ah oo ku jiraan 2 quusayaal (Submarines) oo ay u dhistay dowladda Faransiiska ayaa horay dalka Shiinaha ka iibsatay maraakiib kuwa xamuulka ah xilligii Males Zenawi.

War-bixintii  uu Abiy Axmed shalay siiyay baarlamaanka dalkiisa ayaa waxay ka koobanyd mar uu eed sheeganayay oo uu calaacalayay, mar uu faaniyay oo waliba uu sheeganayay nidaam dowladnimo oo guun ah iyo mar uu xoog iyo awood sheeganayay, run ahaantii macnaha khudbaddii uu jeediyay ayaa u ekeyd oo keliya mid uu uga dan lahaa inuu golihiis baarlamaanka qiil uga helo dagaalka dalka geliyay, isagoo dhinaca kalana isku qancinaya hadalo qiiro badan oo ay ku dheehantahay wadaniyad ayaan haddana dareen kaas ka duwan iyo walbahaar badan wajigiisa ka muuqdeen. Colonel Abiy Axmed ayaa marka keliya ee uu soo hadal qaaday Soomaliya sheegay in maamulkii EPRDF (TPLF) ay Soomaaliya kala qayb-qaybisay, waa wax lagu qoslo! Soomaaliya haddii la kala qaybiyay ama la kala gooyo waa layaqaan cidda sidaas yeeshay, hasa yeeshee inay federaal noqoto waxay kala dhalatay is aaminaad la’aan waxayna ahayd arrin ay ku heshiiyeen kooxihii dagaalamay, waa shaki la’aan in qaybo diidan ay jireen oo illaa iyo hadda ay jiraan, laakiin nidaamka federalism-ka ah ee Soomaaliya wuxuu ku yimid heshiis buuxa oo ay isku raaceen dadkii Soomaaliyeed ee colaaddu dhex martay ee TPLF iyo Itoobiya arrin ay shaqo ku lahaayeen ma aha, laakiin sida muuqata hadalka Colnel Abiy keliya wuxuu cadayn u ahaa waxyaabahay ku wada hadleen Ilmo Xabuush iyo Farmaajo oo ah in Maxamed Farmaajo loo soo diray inuu dumiyo nidaamka federal-ka ah ee ay doorteen dadka Soomaaliyeed… waxaana arrinta yaabka leh ay tahay in xukuummad kasta oo timaadda aysan isku dayin inay dalka gaarsiiso hawsha ugu muhiimsan oo ah in loo codeeyo nidaamka federalism-ka iyo dastuurka qabyada ah oo dad-weynuhu go’aamiyaan .

Raali gelinta wasaaradda wax-barashada waxba kama duwana raali gelintii ay Itoobiya bixin jirtay markay Soomaaliya ka tirtirtay khariidadda!

Colnel-ka 44 jirka ah, Abiy Axmed oo gacan ka helaya Yuki Yamamoto (Donald) safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa bishii June, 2020, waxay shir ugu qabteen dalka Djibouti maamulka gobollada Woqooyi ee Somaaliland iyo dowladda federal-ka, iyadoo loo ekeysiinayo inuu  Ismaaciil Cumar Geele madax-weynaha dalkaas uu isaga gogoshaas dhigay, in kasta oo Ismaaciil Cumar uu mar kasta dulaal ka noqdo arrimaha Soomaaliya hadana ma cadda inuu wax ka ogaa ajendaha qarsoonaa ee Maxamed Farmaajo iyo nimankaas ay ka lahaayeen shirkaas, waxaana ajandaha ugu muhiimsan ee shirkaas loo qabtay ahaaa in halkaas looga dhawaaqo inay Somaliland oggolaatay inay ka mid ahaato Soomaaliya, isla markaasna uu dhaqan gelayo is-dhex galka labada dad ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo in dekedda Zaylac ay isticmaalayaan Ciidammada  Badda ee Itoobiya, waxaana qorshahaas ku dhex jira in dekedda Zaylac loo dhiso Itoobiya iyadoo ay kharashka bixinayso dowladda Midowga Immaaradaha Carabta! Hasa yeeshee khilaafkii ka dhashay wada hadalkii beenta ahaa ayaa dib u dhac ku keenay arrintaas!… Waxaa xusid mudan in xeebta Soomaaliya dhererkeedu yahay 3,333 km, waxayse ahayd in wasiirkii hore ee wax-barashada Cabdullaahi Goodax Barre wax laga weydiiyo wixii uu ka ogaa manhajka cusub diyaarintiisa, iyo baahida keentay in manhajka cusub uu wax ka bedelo samayska juquraafiga dalka Soomaaliya!

Wasiirka cusub ee wasaaradda wax-barashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo hawl-wadeennada wasaaraddas (waaba haddii ay jiraanee) ayaa looga baahnyahay inay dabo gal ku sameeyaan baahida loo qabay in wax laga bedelo cutubyada (Chapters) maaddada juquraafiga ee khuseeya samayska iyo xudduudaha dalka Soomaaliya…Arrintani ma aha hadal labo siyaasi isugu gefeen wargeys ku soo baxay!…Waa wax-barashadii jiilashii ama facii beritoo hanan lahaa dalka! Waa keydkii dhigaalkii xogta ee dhallinta maanta! mana aha oo ma noqon karayso mid warqad raali gelin ah oo la soo qoray ay xal u noqonayso. Arrintan waa mid ah dhagar laga galay dalka ciqaabna mudan loona baahnayahay in dadka Soomaaliyeed loo sheego cidda samaysay iyo sida khaladka intaas la eg u dhacay oo loo arki waayay, maxaa yeelay waa la yaqaanaa sidaa loo soo diyaariyo buugaagta ardayda wax laga barayo iyo inta heer ama marxaladood oo ay soo maraan, marka arrintu ma ha khalad farsamo, mana aha xarfo is daba maray ee waa tiro!! Waxaana intaas oo dhan ka daran in cabirka ka maqan dhererka xeebta Soomaaliya lagu sheegay buugga juquraafiga uu yahay 533 km oo ah dhererka badda la sheegay inuu Farmaajo u saxiixay Colnel Abiy Axmed. 

Nasiib darrada u weyn waxay tahay xataa haddii Farmaajo la rido ma muuqato saansaan ay ku soo baxayaan madax fiican oo qaranimada iyo nolosha ummadda u damqanaya ay; bal fiirii dhammaan dadka rashaxan! Maxaa kuu muuqanaya?!…waa kuwii aan naqaanay oo aan lahayn oo Allow yaa dalka ka badbaadiya?! Maxay isu soo rashaxeen oo loogu xilanayaa illaa waa la yaqaanee?! Mise waxay ogyihiin in xildhibaannada imaanaya aysan waxba ka duwanaan doonin kuwa hadda jooga, gudoomiyaha soo socdana uu Maxamed Mursal waxba ka duwanaan doonin!… Maanta talaa la gudboon dadka Soomaaliyeed, wax garadka iyo qof kasta oo Soomaali ah maanta waxaa hor yaala Guul ama Gunnimo inuu mid doorto! Waxay drones-ka Midowga Immaaradaha Carabta, Eritrea, iyo Abiy Axmed ay Tigray isugu xulufaysteen wax kale ma aha…wax amiirka 40 jirka ah Tamiim Bin Xamad Aal-Tahani ee dalka Qatar jawaannada lacata ah Xamar ugu soo rarayo wax kale ma aha ee waa duulaan lagu dhaxal wareejinayo faca dambe iyo jiilasha soo socda!…intaas oo is garabsata iyo kuwo kalaba cidna innagama adka, hasa yeeshee  mas’uuliyad gaar  waxay saarantahay xil-dhibaannada la xulayo si ay u badbaadiyaan dadkooda iyo dalkoda!…Somaaliya mar kale dhiig waa loogu wan qali!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan