Booliiska Garoowe oo hawlgal ku qabtay Khamri iyo xashiish fara badan

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa maanta Garoowe ku soo bandhigay boqolllaal dhalo oo Khamri ah iyo jawaanno Xashiish ka buuxo oo lagu soo qabtay hawlgal Ciidanku ka fuliyay xaafadaha kala duwan ee Garoowe.

Taliyaha Qaybta Booliisk Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle), oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo xubno ka socday Xeer Ilaalinta Puntland, ayaa duleedka waqooyi ee Garoowe ku soo bandhigay Khamriga iyo Xashiiska la qabtay, kuwaas oo dab lagu qabadsiiyay Goobta.

G/sare Degelle oo ka warbixiyay hawlgalka lagu qabtay Khamriga iyo Xashiishka, ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dadkii ka ganacsanayay iyo gaadiidkii magaalada lagu keenay, balse ay jiraan dad kale oo weli la raadinayo.

Taliyaha ayaa ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono, cid kasta oo lagu qabto Khamriga iyo Xashiishka la keeno gudaha Puntland, islamarkaana lala wareegi doono gaadiidka kala duwan ee loo adeegsado Maandooriyaha.

PUNTLAND POST