Puntland: Khilaaf ka taagan magacaabidda Guddi-hoosaadka Doorashooyinka heer Federaal

Muran hoose ayaa ka aloosan magacaabidda Guddi-hoosaadka Doorashooyinka Federaalka ee heer Puntland, kuwaas oo marar kala duwan la isku dayay in la magacaabo, balse aysan suurta-gelin, sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah.

Guddiga oo ka kooban 8 xubnood, waxa ilaa iyo haatan muran ka taaganyahay 5 xubnood oo kamid ah, halka saddexdii kale la isku raacay, waxaana socda dadaal ku wajahan in la dhammaystiro dhammaan xubnaha Guddiga.

Xubnaha Guddiga, waxa ku muransan Madaxweyne Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha dowladda, gaar ahaanna Xildhibaannada Baarlamanka qaarkood oo doonaya in ay saamayn ku yeeshaan Guddiga.

Waxaase la xaqiijiyay, in Khilaafkan uusan u dhexayn Madaxda Sare ee Puntland sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka, balse ay jiraan qaar kamid ah Saaxiibada Madaxweynaha iyo xildhibaanno doonaya in ay xubno ku yeeshaan Guddiga.

PUNTLAND POST