Mudaharaadyo ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo

Mudaharaadyo loogu soo horjeedo sicir bararka iyo diidmadii shillinka Soomaaliga ee dowladda ayaa ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee Puntland.

Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah waddooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, kuwaas oo ka cabanaya maciishada oo sii qaaliyoobaysa iyo in aysan awood u lahayn in ay iibsadaan qutal daruurigii ay qosaskooda ku quudin lahaayeen.

Sidoo kale mudaharaadayaasha ayaa diidanaa tallaaabadii madaxweyne Deni qaaday ee ahayd in aan cashuurta dowladda lagu qaadi karin lacagta shillinka Soomaaliga.

Dadka mudaharaadayay qaarkood ayaa sheegay in saaka suuqyada wax laga iibin waayay lacagtii ay heysteen ee shillin Soomaaliga, taasna ay ka dambaysay go’aankii dowladdu ku diiday qaadashada shilllin Soomaaliga

Dhammaan magaalooyinka Puntland ayaa maanta laga diiiday qaadasho lacagta shallinka Soomaaliga, kadib go’aankii shalay ka soo baxay madaxweynaha Puntland, waxayna dadkii haystay oo u badnaa danyarta iyo reer miyiga la’yihiin meel ay geeyaan.

PUNTLAND POST