Madaxweyne Deni iyo Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo ka wada-hadlay Arrimaha Doorashada

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee xukuumadda Federaalka Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo wefdi ay hoggaaminayso.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Wefdiga ka socda dowladda Federaalka ay ka wada hadleen marxaladda doorashada, gaar ahaan doorka haweenka, iyo Haweenku sidii ay qoondo ku filan uga heli lahaayeen Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Dowladda Puntland Aamina Cismaan Xaaji iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowladda Puntland Marwo Sahro-kiin Cabdi Xirsi.

PUNTLAND POST