Deni oo ku gacan-sayray in dacwad laga gudbiyo xildhibaanno ka tirsan Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku gacan-sayray in dacwad laga gudbiyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo muran kala dhexeeyo Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xildhibaanno kale oo ka tirsan Golaha Wakiilada, islamarkaana la safan Guddoomiye Cabdirashiid, ayaa soo jeediyay in dacwad laga gudbiyo mudanayaasha ka horjeeda Guddoonka, si cadaadis loo saaro, balse Deni ayaa arrinkaas diiday isagoo sheegay in aan loo baahnayn buuq kale.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa xiriir la sameeyay xildhibaannada ka horjeeda Guddoonka, waxaana la xaqiijiyay in uu ka codsaday in ay xaaladda dejiyaan, maadaama wakhtigan aysan Puntland qaadi Karin buuq iyo muran siyaasadeed.

Deni ayaa sidoo kale la xaqiijiyay, in uu dadaal ugu jiro xallinta muranka xildhibaannada iyo Guddoonka, isagoo labada dhinacba ka codsaday in ay tanaasul iyo dulqaad muujiyaan, si ay u socdaan hawlaha Baarlamanka.

PUNTLAND POST