Nabaddoon caan ah oo lagu dilay Beledweyne

Dableey hubeysan ayaa xalay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxay ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa Gobolkaas.

Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegoow) ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Kooxdii dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Laamaha Amniga Beledweyne kuwaas oo hawlgal ka sameeyay xaafadda.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Nabadoonka inkastoo kooxda AL-shabaab looga dilalka noocaas oo kale ah.

PUNTLAND POST