Kenya oo jawaab ka bixisay go’aankii safiirkeeda looga ceyriyay Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa si kooban uga jawaabtay go’aankii dowladda Soomaaliya ku ceyrisay Safiirka Kenya, uguna yeeratay Safiirkeeda Nairobi, si ay wada-tashi ula samayso.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Kamau Macharia,  oo si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka xuntahay go’aanka Soomaaliya, islamarkaana labada dal wada-hadal ka geli doonaan Arrintaas.

Mr. Macharia, wuxu sheegay in ay habka iyo wakhtiga ku habboon wada-hadal diblomaasiyadeed ula bilaabi doonaan dowladda Soomaaliya, si arrintan loo xalliyo, balse faahfaahin kale ma bixin.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay, in ay fara-gelin ku hayso Arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna Jubaland, sidaas darteedna u ceyrisay safiirka Kenya.

PUNTLAND POST