FAAFIN: Deni oo amray in Lacagta DP World qaado lagu shubo Akoonada dowladda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray wareegto Madaxweyne Lr. 06, 30 November 2020, ayaa ku wargeliyey Maamulka Dekadda Boosaaso in Khidmada ay qaado Shirkadda P&O Ports lagu shubo Akoonada Maamulka Dekeda Boosaaso.

Wareeegto Lr. 06, ee 30ka November 2020, kuna saabsan wargelin

Ku: Maamulka Dekedda Boosaaso

Og: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Laga billaabo 1da December 2020, waxaa Maamulka Dekedda Boosaaso lagu wargelinayaa in khidmada ay qaado shirkadda P&O Ports lagu shubo Akoonada hoos ku qoran ee Bangiyadda Amal iyo Salam oo ay leedahay Maamulka Dekeda Boosaaso;

1. Bangiga Amal AC. 1013677059

2. Bangiga Salam AC. 80650000

Fulin Wacan

Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dawladda Puntland

PUNTLAND POST