Marxuum Khaliif Ciise Mudan oo aas qaran loogu sameeyay Garowe


Magaalada Garowe waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan oo maalmo ka hor ku geeriyooday dalka Turkiga.

Aaska qaran waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa, guddoonka Golaha Wakiilada, mas’uuliyiinka ka tirsan federaalka, goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, culimo iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Garowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale uga tacsiyeeyay bulshada Puntland iyo guud ahaan shacab weynaha Soomaaliya geerida Gen. Khaliif Ciise Mudane, si gaar ah wuxuu madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay aaska.

Meydka marxuum Khaliif Ciise Mudan ayaa diyaarad gaar ah maanta keentay Garowe.

Gen. Khaliif Ciise Mudan wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii dhexe ee Soomaaliya, burburkii kadib wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, isagoo soo noqday Wasiirka Amniga.

Xiligan wuxuu ahaa La taliye madaxweynaha Puntland iyo xubin ka mid ah guddiga dib-u-habeynta ciidamada.

PUNTLAND POST