Taariikhda Gen. Khaliif Ciise Mudan

Gen. Khaliif Ciise Mudan, waxa uu sannadii 1953-dii ku dhashay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana uu Waxbarashadiisii hoose ku soo dhigtay Boosaaso, gaar ahaanna Dugsigii Xaaji Mire.

Waxaase uu Waxbarashadiisi Dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Muqdisho, halkaas uu u wareegay sannadkii 1962-dii, islamarkaana waxa sannadkii 1970-kii loo diray Tababar Ciidan, isagoo dalka Ruushka ku soo qaatay Tababar ku saabsan Duulinta Diyaaradaha Milateriga.

1974, ayuu dib ugu soo laabtay dalka, waxaana uu ku biiray Ciidamada Milateriga Soomaaliya, isagoo ahaa duuliye sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, halkaas uu ku qaatay darajooyin kala duwan ilaa uu sannadkii 1977-dii helay derejada Gaashaanle.

Sidoo kale, isla sannadkii 1977-dii waxa la guddoonsiiyay billad-geesi uu ku qaatay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia, kaas oo uu ka muujiyay wacdaro, maadaama wakhtigaas uu duuliye ka ahaa diyaaradihii Milateriga dalka.

1987-dii Gen. Khaliif Ciise Mudan, wuxu helay derejada Kornayl, waxaana loo magacaabay Taliyaha Xerada Ciidanka Cirka ee Balli-doogle, xilkaas oo uu hayay tan iyo sannadkii 1990-kii, islamarkaana ku mutaystay derejada Sarreeye Guuto.

1990-kii, Gen. Khaliif Ciise Mudan waxa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya xilkaas oo uu hayay tan iyo sannadkii 1991-dii wakhtigaas oo ay dhacday dowladdii dhexe ee dalka.

Sannadihii 1991-1998, wuxuu ka soo shaqeeyay dib u-heshiisiintii iyo Nabadayntii Gobollada Waqooyi bari ee haatan loo yaqaan Puntland, waxaana uu sannadkii 1998-dii kamid noqday As’aasayaashii dowladda Puntland.

Sannadihii 2011-2014-kii, waxa loo magacaabay Wasiirka Amniga Puntland xilligaas oo uu Madaxweyne ahaa Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole, waxaana uu wakhtigaa dib u habayn fiican ku sameeyay Ciidamada kala duwan ee Puntland.

Sannadkii 2019, wuxu isu sharraxay Doorashada Madaxtinimada Puntland, inkastoo uusan ku guulaysan, waxaase uu sii waday dadaalka ku aaddan dib u dhiska Ciidanka Puntland, isagoo Madaxweyne Deni talooyin kala duwan ka siiyay Arrimaha dib u habaynta Ciidamada.

PUNTLAND POST