Milateriga Ethiopia oo Taangiyo u adeegsanaya Qabsashada Mekelle

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in Milatariga Ethiopia qorsheynayo in ay taangiyo u adeegsadaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaasi.

Macluumaadka ku saabsan dagaalka ayaa ah mid si aad ah u xadidan, iyadoo sheegashooyinka dhinacyada oo dhan ay adag tahay in la xaqiijiyo sababtoo ah xiriirkii taleefannada iyo internet-ka ee gobolka ayaa go’an tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay.

Labada dhinacba waxa ay sheegeen in ciidamada Federaalku ay qabsadeen Adigrat, oo 116 km dhanka waqooyiga ka xigta Mekelle.

Colonel Dejene Tsegaye Af-hayeenka Milateriga Ethiopia ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee magaalada Mekelle oo ay ku nool yihiin nus malyan qof ay tahay in ay ka feejignaadaan halista.

Ciidamada TPLF ayaan ka jawaabin hadalkan ka soo yeeray militariga Ethiopia.

PUNTLAND POST