Garabka Al-Qaacida ee Galbeedka AFRIKA oo yeeshay Hoggaamiye cusub

Garabka Al-Qaacida ee Galbeedka Afrika ayaa magacowday Hoggaamiye cusub kadib markii Faransiisku hawlgal qorshaysan ku dilay Hoggaamiyihii hore ee Garabkaas.

Cajal ay soo duubeen kooxdu ayay ku sheegeen in ay hoggaamiye cusub u magacowdeen Abu-Cubayda Yuusuf oo u dhashay waddanka Algeria.

Kooxdu waxay sidoo kale soo bandhigeen dagaallamayaal cusub waxaana ay ku hanjabeen in ay fulin doonaan weerarro culus oo ka dhan ah danaha dalka Faransiiska iyo Reer Galbeedka kale.

Garabka Al-Qaacida ee Galbeedka Afrika ayaa ku caan-baxay weerarada Argagixiso ee inta badan ka dhaca Galbeedka Afrika.

PUNTLAND POST