Musharrixiinta mucaaradka ah ee doorashada 2020/2021 oo Muqdisho ku shiraya

Musharixiinta mucaaradka ah ee doorashada Soomaaliya, oo intooda badan shalay ku soo laabteen magaalada Muqdisho, ayaa maanta waxaa u furmi doonaa shir ku saabsan arrimaha doorashada.

Shirka oo socon doona saddex maalmood, waxaa looga arrinsanayaa sidii loo heli lahaa guddi dhexdhexaad ah, maadaama guddiga hadda jira lagu eedeeyay in ay yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.

Shirka wax aka qayb-galaya Musharrixiin ay kamid yihiin hoggaamiyaha xisbiga Danqaran Daahir Maxamuud Geelle, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,Labadii Madaxweyne ee hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheeikh Axmed, Labadii Madaxweyne ee hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo hoggaamiyaha xisbiga Ileys Cabdulqaadir Cosoble.

Dowlada Federalka, ayaa weli ku adkeysanaysa in xubnaha guddiyada doorashooyinka ay yihiin kuwo sharci ah, halka ay musharaxiintana ay ku tilmaameen xubnahaas kuwo laga soo xulay ciidamada nabadsugida iyo xarunta madaxtooyada dalka.

PUNTLAND POST