Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo aas Qaran loogu sameeyay Badhan

Afhayeenkii isimada Puntland, marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga ayaa maanta lagu aasay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag

Suldaanka Guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo ku xigeennadiisa, wasiiro, xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka iyo Puntland, isimo, maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, shacab iyo mas’uuliyiin kale ayaa qayb galay aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid.

Madaxdii ka qeyb gashay aaska ayaa sheegay in marxuumku ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo wax tar u leh umadda, waxayna ilaahayn uga baryeen in uu ka waraabiyo Janatul Fardawsa, sidoo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaanba umadda Soomaaliyeed.

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa ka mid ahaa hormuudka Golaha dhaqanka Puntland, kana shaqeyn jiray nabadeynta iyo xallinta khilaafadka bulshooyinka.

PUNTLAND POST