Tedros Adhanom oo ka jawaabay eedayntii dowladda Itoobiya

Agaasimaha hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ka jawaabay eedayn uga timid dowlada Federaalka Itoobiya, oo ku eedaysay Tedros, in uu gacan siinayo gobalka uu ka soo jeedo ee Tigreega

Taliyaha Ciidamada Federaalka Itoobiya Birhanu Jula, ayaa ku eedeeyey Dr.Tedros in uu ka shaqeenayo in hub la siiyo Tigrayga iyo waliba taageero diblumaasiyadeed.

Dr. Tedros oo horay usoo noqday Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu isagu taageersan yahay oo kaliya Nabadda.

Tedros ayaa sheegay in uu si weyn uga murrugeysan yahay xaalada ka jirta dalka Itoobiya iyo shacabka badan ee ka qaxay dhulkooda, isagoo ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay joojiyaan dagaalka.

PUNTLAND POST