Kiisaska Xanuunka COVID-19 ee gudaha Hindiya oo gaaray 9 Malyan

Tan iyo markii xanuunka COVID-19 ka bilowday waddanka Hindiya Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee dalkaasi ayaa kor u dhaaftay  9 milyan sida ay sheegeen waaxda tira-koobka dalkaas.

Kiisaska maalinlaha ah ee xanuunka COVID-19 gduaha Hindiya waxaa laga dareemayay hoos u dhac toddobaadyadii ugu dameeyay iyadoo  hadda tirada guud ee kiisaska ay taagan tahay 0.6% tirada dadka Hindiya oo ah 1.3 bilyan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo warisay 45,882 oo infekshan cusub ah iyo 584 dhimasho 24-kii saac ee la soo dhaafay. Tirada dhimashada ee Hindiya tan iyo markii uu faafay cudurka ayaa ka badan 132,000.

Hindiya ayaa kaalinta labaad kaga jirta dadka uu saameeyay cudurka covid-19 halka sedexaad ay ku jirto brazil iyo Maxsiko oo kalinta afaraad fadhisa.

PUNTLAND POST