Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Doorashadii Hirshabeelle iyo tan Federaalka 2020/2021

Xubnaha Beesha Caalamka  ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday HirShabeelle ee lagu doortay Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen iyo sidoo kale doorashada Guud ee Soomalaiya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in ay si dhow ula Shaqeyn doonaan Madaxweynaha dooran ee Maaamulka Hir-Shabeelle, kana taageeraan dhinaca amniga ee la dagaalanka Al-Shabaab.

Dhinaca kale Xubnaha Beesha Caalamka  ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka kaas oo horseeday heshiisyo la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah  iyo Dowlad Goboleedyada ee ka kala dhacay Dhusamareeb iyo Muqdisho.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka oo Af-Soomaali ku qoran

PUNTLAND POST