Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku geeriyooday


Waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday allaha u naxariistee Cumar Carte Qaalib oo xilal sare ka soo qabtay Soomaaliya.

Cumar Carte Qaalib ayaa muddooyinkii dambe ku xannuun sanaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Cumar Carte Qaalib wuxuu ku dhashay gobollada waqooyiga ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1930kii, wuxuuna geeriyooday isagoo 90 jir ah.

Cumar Carte Qaalib, 1969-kii dhamaadkii ilaa iyo billowga dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii ayuu Soomaaliya u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Cumar Carte Qaalib 2 maalmood ka hor intii aan la ridin dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo ku beegan 24kii bishii January, sanadkii 1991dii ayaa loo magacaabay xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isaga oo aan soo dhisin wax xukuumad ah ayay dhacday dowladdii Militariga.

Sidoo kale Cumar Carte Qaalib, dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi Maxamed ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare, wuxuuna xilkaas hayay 1991dii ilaa 1993dii.

Wuxuu ahaa siyaasi uu wiilkiisa, Maxamed Cumar Carte, ka noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen dowladda uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST