Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax loo malaynayo in uu yahay ismiidaamin ayaa goordhawed ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad ku dhow dugisga tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye ama Iskool Boluusiya ee degmada Xamar-jabab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tiro rasmiga ah weli la ogayn.

Laamaha amniga Muqdisho ayaa tagay goobta qaraxu ka dhacay, waxayna xireen waddooyinka soo gala halkaas.

Faahfaahin dib kala soco

PUNTLAND POST