Xog: Wasiirka Kalluumeysiga Puntland oo qorsheynaya in uu is-casilo

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax ayaa qorsheynaha in uu is-casilo saacadaha soo socda, sida ay ogaatay Puntland Post.

Is-casilaada ayaa la xiriirta khilaaf maamul oo afar bilood soo jiitamayay oo u dhaxeeya Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdirisaaq Jaamac Taraag, taas oo ay xal u waayeen madaxda sare ee Puntland.

Madaxweynaha ku xigeenka Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa shalay shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud, kadib markii maalin ka hor uu gacan hadal dhexmaray labada mas’uul.

PUNTLAND POST