
Xubnaha sare ee xisbiga Jamhuuriga dalka Maraykanka, ayaa taageero xooggan u muujiyay madaxweyne Donald Trump, kaas oo dacwad ka gudbiyay hannaanka tirinta codadka qaar ka mid ah gobollada looga guulaystay doorashada.
Madaxweyne Trump, ayaa rajaynaya in dacwadda uu u gudbiyay maxkamadaha ay horseedo in la diido guusha Mr Joe Biden oo ah ninka loo doortay madaxweynaha cusub ee Maraykanka.
Xubnaha ugu sarreeyay Xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in Trump uu ku saxanyahay in aanu aqbalin natiijada doorashada illaa si rasmi ah looga caddeynayo in aysan dhicin wax-isdabamarin ah.
Dhanka kale, Joe Biden oo ku guulaystay doorashada Mareykanka, ayaa sheegay in qirasho la’aanta Donald Trump ee guuldarradii ka raacday doorashada ay tahay wax laga yaxyaxo.
PUNTLAND POST