Biden oo loo doortay madaxweynaha Mareykanka

Ameerika ayaa Joe Biden oo xisbiga Dimuqraadiga ah u dooratay inuu noqdo madaxweynahoodii 46-aad.

Joe Biden ayaa ku guulestay 20 cod ee gobolka Pennsylvania oo ahaa marinkii codbixinta oo gaarsiisay Aqalka Cad, wuxuu leeyahay in ka badan 270 codadka kulleejada, taas oo ka dhigan inuu ku guuleystay madaxweynaha Mareykanka, iyadoo weli ay socdaan tirinta cododka qaar kamid ah gobolada dalkaas.

Biden, oo 78 jirsanaya dhamaadka bishan, wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu da’da weynaa Mareykanka markii la caleemo saaro bisha Janaayo.

Biden wuxuu horey u ballanqaaday inuu xasilin doono siyaasada Mareykanka, afar sano kadib fowdadii Donald Trump ee Aqalka Cad, sidoo kale uu xakameyn doono cudurka Coronavirus oo dilay in ka badan 231,000 oo qof oo Mareykan ah.

Trump ayaa noqday madaxweynihii saddexaad Mareykanka ee la doorto tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka ee looga adkaaday dib u doorashada.

Dhanka kale Kamala Harris ayaa noqotay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, waa haweeneydii ugu horreysay ee Mareykanka qabata xafiiskaas.

Waxay sidoo kale noqonaysaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Madow iyo Koonfurta Aasiya ah, (Kamala Harris waxaa dhashay haweeney ka soo jeeda Hindiya).

PUNTLAND POST