DFS oo magacowday Guddiga doorashooyinka xildhibaannada gobolada Waqooyi/Samaliland

Ra’iisul Wasaare Rooble

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacowday guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada aqal ee ka soo jeeda degaannada Somaliland.

Guddigan oo magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka kooban 11 xubnood oo 8 kamid ah yihiin guddiga doorashada heer gobol ee Somaliland, halka 3 xubnood oo kalana ay matalayaan federaalka, sidii ku cadayd heshiiskii doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

1. Khadar Xariir Xuseen
2. Sundus Ibraahim Cali
3. Axmed Daahir Xasan
4. Maxamed Cabdullaahi Jirde
5. Cabdiracmaan Cismaan Aadan
6. Samsam Maxamed Faarax
7. Najiib Xuseen Samaale
8. Khadar Cabdalle Aadan
9. Saynab Ismaaciil Xasan
10. Ifraax Cumar Ducaale
11. Umayma Cabdullaahi Ciise

Guddigan ayaa la sheegay inay mas’uul ka yihiin qabashada doorashada xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku matala Somaliland oo ka dhacaysa Muqdisho.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa dhawaam sheegay in xukuumadda federaalku aysan xaq u lahayn magacaabida guddiga doorashada ku matalaya Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xiligaas dalbaday in siyaasiyiin reer Somaliland ay soo magacaabaan guddiga doorashada ku matalaya gobollada Waqooyi ee Somaliland.

PUNTLAND POST