Wasiir ka tirsan DFS oo ka badbaaday qarax

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa ka badbaaday qarax lala eegtay.

Qaraxa oo caawa fiidkii ka dhacay aagga madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasin magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay baabuur uu saarnaa Wasiir Duraan, sid ay sheegeen ilo wareedyo sugan.

Waxaa la xaqiijiyay in wasiir Duraan uu nabad qabo, balse waxaa dhaawac soo gaaray qaar kamid ah ilaaladii la socotay oo saarnaa gaari nooca Soomaalidu u taqaan Qooqan.

Laamaha amniga Muqdisho ayaa weli ka hadlin qaraxa lala eegtay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya.

PUNYLAND POST