Galmudug oo heshiis la gashay shirkad dhisi doonta dekedda Hobyo

Galmudug ayaa heshiis laga gashay shirkad fadhiheedu magaalada London ee dalka Ingiriiska, taas oo la sheegay inay dhisi doonto dekedda Hobyo.

Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Saabir Shuuriye ayaa sheegay in dhismaha dekedda Hobyo uu heshiis kula saxiixday shirkad lagu magacaabo Oriental Terminal oo ah isbahaysi ka koooban saddex shirkadood oo ka soo kala jeeda Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali.

“Waxaan maanta heshiiska dhismaha dekedda Hobyo kula saxiixanay shirkadda Oriental Terminal oo ah isbahaysi ka koooban saddex shirkadood oo ka soo kala jeeda Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali” ayuu yiri Saabir Shuuriye.

Saabir oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “shirkadan oo saldhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska waxa ay Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug la gaartay heshiiskan kadib markii bilihii ugu dambeeyey aan kulamo kala duwan la qaadanay shirkadaha ugu tayada wanaagsan arrimaha horumarinta Dekedaha iyo Maamulka Mashaariicda waaweyn ee horumarinta kaabaayaasha Dhaqaalaha, Islamarkaana waafaqsan shuruudaha maalgashiga Galmudug, ee uu fadhigoodu yahay dalalka Turkey, UK, Belgium iyo Netherland”.

Wasiirka Dekedaha Galmudug ayaa sheegay in heshiisku uu dhigayo in dhammaadka bishan ay dalka soo gaari doonaan kooxda hore ee sahanka, si ay u qiimeeyaan hababka kala duwan ee dhismaha iyo howlgelinta dekedda, farsamada, saameynta deegaanka & bay’ada iyo guud ahaan diyaarinta qorshe buuxa oo cilmiyeysan, islamarkaana waqtiyeysan oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, halka wajiga labaad ee dhismaha uu bilaaban doono bisha Maarso 2021.

Saabir ayaa tilmaamay in heshiiska ay galeen shirkada dhisaysa dekedda Hobyo ay goobjoog ka ahaayeen sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha badda oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Holman Fenwick Willan, kuwaas kala talinaya dhinaca sharciga Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Galmudug.

PUNTLAND POST