Cabdi Xaashi oo ka horyimid heshiiskii siyaasadeed ee doorashada 2020/2021

Cabdi Xaashi Cabdhullaahi, guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka horyimid habraaca hirgalinta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada 2020/2021 ee bil kahor gaartay madaxda Soomaaliya.

Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu u diray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad Goboleedyada ku sheegay in intii lagu guda jiray shirarkii go’aannada looga gaaray hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka dalka aan wax tixgelin iyo qadarin ah la siinin siyaasiyiinta Somaliland ku matala dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdi Xaahsi ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalla aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada ku malata Somaliland, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dalbaday in siyaasiyiin reer Somaliland ay soo magacaabaan guddiga doorashada ku matalaya gobollada Waqooyi ee Somaliland iyo xubnaha kale ee ku matala heer federaal, kuwaas oo kala 8-da xubnood ee guddiga doorashada heer gobol ee Somaliland, 2-da xubnood ee Somaliland ku matalaya guddiga doorashada heer federaal iyo 2-da xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka.

Hoos ka akhriso warqada uu Cabdi Xaashi u diray madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada

PUNTLAND POST