Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sheegay inuu isha ku hayo cabashada Shukri Axmed Maxamed oo ku sugan Dangoroyo iyo baarista gabadh maydkeedka laga helay Boosaaso iyo kaaliye ka tirsanaa maxkmadaha ciidanka oo lagu dilay Garowe.
Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sheegay inuu si madax bannaan u kor-joogtaynayo dilalka iyo cabashada Shukri Axmed, si ay u helaan baaris sugan iyo caddaalad.
“Waxaan xiriir dhow la samaynay gabadha cabanaysa ee xiliyada kala duwan lagu xiray Dangoroyo iyo Garowe, sidoo kale ayaan la xiriirnay taliska Booliska gobollada Bari iyo Nugaal, Maxkamadda ciidamada iyo Taliska guud ee ciidanka Booliska” ayuu qoraal ku yiri Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, Siciid Cabdi Muumin.
Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa kula taliyay hay’adaha sharci-fullinta iyo kuwa baarista inay cabashada Shukri Axmed iyo falalka dilalka ee ka dhacay Boosaaso iyo Garowe ku sameeyaan baaris rasmi ah oo ay ka dambeyso caddaalad daahfuran, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda qofka.
Difaacaha ayaa u jeediyay hay’adaha Booliska iyo kuwa kale ee amniga-suga inay dhowraan xuquuqda kala duwan ee rayidka.
“Boolisku waa in ay ka taxadaraan isticmaalka hubka iyo rasaasta, ahmiyad weynna siiyaan nolosha bini’aadamka, tuhun walba oo jira waa in loo maraa nidaamka sharciga ah” ayuu yiri Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.