Dowladda Mareykanka, ayaa sheegtaay in ay si weyn u taageerayso dadaalada lagu carqaladeynayo hababka dhaqaale iyo maalgalinta ay adeegsato kooxda Al-Shabaab.
Hadaladaan ayaa yimid ka dib markii khabiirro ka tirsan Qaramada Midoobay ay sheegeen in Kooxdaasi sanadkii hore ay soo ururiyeen lacago ka badan $ 21 milyan oo ay ku bixiyeen dagaalada, hubka iyo sirdoon .
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft, ayaa Arbacadii u sheegtay Golaha Amniga in maamulka Trump ay ka go’an tahay in ay la shaqeeyaan dalalka kale,isla markaana ay adeegsadaan cunaqabateynta Qaramada Midoobay si looga hortago maalgelinta Al-Shabaab.
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lagu waramay in ay diiradda saarayaan warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo gudbiyeen guddiga khubarada iyo sida wax looga qaban karo saameynta dagaalada Al-shabab ee aan ku ekayn Soomaaliya,balse u gudbay dalalka deriska ah .
PUNTLAND POST