Somaliland oo eedeyn u jeedisay Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa siyaasad ku eedeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale samafalka ee ka howlgala degaannada Somaliland.

Muuse Biixi ayaa tilmaamay in hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’ado kale oo samafal ah ay Somaliland ka fuliyaan amaro siyaasadeed oo laga soo siiyay madaxtooyada Soomaaliya.

“Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay kamid tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa iyo hay’ado kale oo isku magacaaba samafal waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa Somaliland, oo ah inay fuliyaan amarada laga soo siiyo Villa Somalia” ayuu yiri Muuse Biixi”

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ka yeelimayno Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa hay’adaheeda iyo kuwa kale ee samafalka sheegta inay Somaliland keenaan amaro laga soo bixiyay Xamar”

Muuse Biixi ayaa hadalkan ka jeediyay shir ay lahaayeen golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

PUNTLAND POST