Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay

Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay liiska xubnaha cusub ee xildhibaanada maamulkaas.

Baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo tiradoodu tahay 90 mudane, waxaa haween ah oo kaliya 5 xubnood.

Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle ayaa isugu jira xubno ka tirsanaa baarlamaankii hore iyo kuwo cusub, waxaana liiska ka soo muuqan waayay guddoonkii baarlamaankii hore.

Hoos ka akhriso magacyada iyo qabiilada baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle

PUNTLAND POST