Maxay ka wadahadleen Qoorqoor iyo Swan?

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta kulan ku yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Kulanku markii uu soo dhammaaday, waxaa xarunta Madaxtooyada Galmudug shir-jaraa’id ku wada qabtay Madaxweyne Qoorqoor iyo James Swan, waxayna faahfaahin ka bixiyeen wixii looga hadlay kulankaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray arrimaha; doorashooyinka, amniga, dib-u-heshiinta, Iskaashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, siyaasadda loo dhanyahay gaar ahaan ka qeybgalka dumarka ee siyaasadda iyo la tacaalidda aafadda Ayaxa.

Dhanka kale James Swan ayaa hoggaanka Galmudug ku ammaanay dadaalkii baaxadda lahaa ee galiyeen shirarkii wadatashiga ee Dhuusamareeb 1.2.3 iyo wadaxaajoodkii dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee dhaliyey heshiiskii Muqdisho ee habraaca doorashadda dalka.

Swan ayaa ballanqaaday in Galmudug ay ka taageeri doonaan istaraatiijiyadda amniga, gaar ahaan dhanka Booliiska, isagoona amray bahwadaagta Qaramada Midoobay ee Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika inay saaxiib dhaw ka dhigtaan Galmudug.

Wafdiga uu hogaaminayo James Swan ayaa tagi doona dhammaan xarumaha dowlad goboleedyada, waxayna tahay u jeedadoodu ugu weyn in ay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran.

Beesha Caalamka ayaa inta badan bixin doonta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya.

PUNTLAND POST