Dilalka qorsheysan ee ganacsatada oo ku soo badanaya Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxaa maanta galinkii dambe lagu dilay Cabdullaahi Sheekh Cabdisaam (Shigshigow) oo ahaa maamulihii Amal Bank Kismaayo.

Dilka ayaa dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, waxayna Jubbaland sheegtay inuu dilkaas geystay nin ku hubaysan qori AK47 ah, kaas oo baxsaday.

Laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen Kismaayo ku qabteen dad lagu tuhmayo dilka Shigshigow.

Shigshigow ayaa ahaa ganacsade caan ka ah Jubbooyinka oo muddo dheer ka shaqeynayay shirkadda Amal.

Magaalada Kismaayo waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysto ganacsatada Jubbaland.

Bishii September ee sanadkan waxaa qarax ismiidaamin ah oo gudaha Kismaayo ka dhacay lagu dilay Shaafi Raabi Kaahin oo ahaa ganacsade weyn, isla markaana ahaa guddoomiyihii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland.

Bishii October ee sanadkii hore waxaa Kismaayo lagu dilay Xaaji Siciid Ciise Cabdi (Siciid Addoon) oo ahaa ganacsade caan ah oo saameyn ku leh Jubbaland.

Dilalkaas ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadooda, sidoo kale Jubbaland ilaa hadda maxkamad ma keenin cid lagu eedeeyay.

PUNTLAND POST