Afar caruur ah oo miino ku dishay Galgaduud

Afar wiil oo arday ahaa ayaa shalay oo Jamce ahayd miino ku dishay degaanka Bangeelle oo hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Afarta arday ayaa sida la sheegay waxaa ku qarxay gumuc ay garaaceen, oo sababay inay isku mar nafwaayaan afarta wiil.

Afarta wiil ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Shugri Maxamed, dhiganayay fasalka 6aad, Axmed Wali Qorane Nuur dhiganayay fasalka 4aad, Sharmaarke Cabdiqaadir Nuur Cabdalle dhiganayay faslka 4aad iyo Kaamil Daroor Maxamed Cali oo dhiganayay fasalka 3aad.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee maamulka Galmudug ayaa ka tacsiyeysay geerida ardaydan.

Miinooyin iyo gumucyo ka karay jabhadihii iyo dagaaladii sokeeye ayaa caruur badan ku dilay kuwana ku naafeeyay Soomaaliya.

PUNTLAND POST