Turkey ayaa xirtay nin lagu eedeeyey inuu u jaajuusayey Imaaraadka Carabta, waxaa sidaas weriyey taleefishinka dowladda ee TRT World.
Ahmed al-Astal, oo ah 45 jir Falastiini ah oo kasoo jeeda Gaza, ayaa haystay baasaboorka dalka Jordan markii loo kaxeeyey xabsi ku yaalla Turkiga.
Qoyska Astal ee Gaza ayaa 25-kii September baraha bulshada soo dhigay bayaan ay ku sheegeen in 4 maalmood ka hor xilligaas lagu afduubtay Turkiga.
Taleefishinka TRT World ayaa ilo-wareedyo Turkish ah kasoo xigtay in Astal uu Imaaraadka Carabta u jaajuusayey ururka Ikhwanul Muslimiin ee Turkiga, sidoo kalena uu waday dhaq-dhaqaaqyo kale tan iyo markii uu dalka usoo guuray 2013.
PUNTLAND POST