Maraykanka iyo Ruushka oo kordhinaya Heshiis Nukliyeer oo ay hore u gaareen

Waxaa jirta rajo ah in heshiiskii u dambeeyay ee hubka nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka la kordhin karo, ka dib markii Washington ay sheegtay in ay doonayso in ay si dhakhso leh u dhameystirto heshiiska.

Heshiiskaan oo la saxiixay sanadkii 2010-kii, ayaa xadidayay tirade madaxyada qaada Nukliyeerka. Balse mustaqbalku wuxuu galay khatar, iyadoo ay jiraan xiisado u dhexeeya labada dal oo ku saabsan xakameynta hubka iyo arrimo kale.

Bayaan ka soo baxay dowladda Ruushka Talaadadii, ayaa lagu sheegay in Ruusku uu soo jeedinayo in la kordhiyo heshiiska, kaas oo wakhtigiisu ku egyahay bisha Febaraayo ee sanadka soo soo socda.

Waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa soo dhaweysay dalabkan cusub, iyadoo sheegtay inay ku qanacsan tahay rabitaanka Ruushka ee ah in uu horumar ka sameeyo arrinta xakameynta hubka nukliyeerka.

PUNTLAND POST