Taliska Milateriga Soomaaliya oo shaaciyay in ay khasaaro ba’an gaarsiiyeen Al-shabaab

Taliska Ciidanka Milateriga Soomaaliya, ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee shalay Ciidanka dowladda oo ay weheliyaan kuwa  koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Baay.

 Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen degaan lagu magacaabo Mitir oo 11KM u jira degmada Diinsoor, kadibna uu dhacay dagaal  saacado badan qaatay.

Waxaa uu sheegay Taliye Oadwaa in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo la gaarsiiyay Al-shabaab, iyagoona xusay in weerarka lagu dilay 19 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena gacanta lagu dhigay laba xubin.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha,  ayuu uu tilmaamay in la burburiyay goob Shabaab ay isku aruursanayeen.

PUNTLAND POST