Puntland oo gudbisay xubnaha ku matala Guddiyada Doorashooyinka Federaalka

Madaxtooyada dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u gudbisay liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Labada xubnood ee Puntland ku matala Guddiga Doorashooyinka Federaalka, ayaa loo magacaabay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Tima-cadde iyo Muuse Geelle Faroole oo horay xilal uga soo qabtay Puntland.

Sidoo kale, labada xubnood oo Puntland ku matala Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Federaalka, ayaa Puntland u magacowday Siyaasi Burhaan Cilmi Filig iyo Yaasmiin Maxamuud oo ah La-taliye Madaxweynaha Puntland.

PUNTLAND POST