Saraakiil iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellada Hoose

Milateriga Somaaliya, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen saraakiil iyo dagaallamayaal kale, oo ka tirsanaa Al-shabaab, kadib weerar ciidamadu ka fuliyeen Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhamme Axmed Xassan Siyaad oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Milateriga Soomaaliya, ayaa laga soo xigtay  in hawlgalkaasi qorshaysan lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Siidow Nuur Abu-muxsin, oo Al-shabaab u qaabilsana jabhadaha Gobolka Shabeellada Hoose.

Hawlgalka oo laga fuliyay Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxa sidoo kale lagu dilay 18 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab, sida uu xusay Dhamme Axmed Xassan Suiyaad.

Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaanna Kumaandooska DANAB, ayaa todobaadyadii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab waxay  ka wadeen  Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay ku dileen dagaal-yahanno kala duwan.

PUNTLAND POST