Ra’iisul wasaare Abiy oo ka hadlay weeraro ka dhacay Galbeedka Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay in dagaal-yahanno ku lug lahaa weeraro lala beegsaday dad shacab ah oo dhowaanahan ka dhacayey galbeedka dalkaas, lagu soo tababaray oo ay gabaad ku heleen Sudan.

Abiy ayaa intaas ku daray in caawimaadda Khartoum loo baahday si goobahaas loo xasiliyo.

Abiy ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan rabshadaha, cidda ay yihiin dagaal-yahanada iyo tirada rasmiga ah ee dhimashada.

Waxa uu sheegay in boqolaal qof lagu xiray howlgal sifeyn ah oo ay ka qeyb galeen militariga.

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay aagga Metekel toddobaadkii tegay, halka 15 kale ay ku dhinteen weerar la mid ahaa oo dhacay bishii September.

PUNTLAND POST