Puntland oo shaacinaysa Liiska xubnaha Guddiyada kala duwan ee Doorashada Federaalka

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda magacaabo min laba xubnood oo Puntland uga mid noqonaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale magacaabaya Guddi-hoosaadka heer Puntland oo Arrimaha Doorashada kala shaqayn doona Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, sida ay xaqiijiyeen Ilo xog-ogaal ah.

Wararka Puntland Post ka helayso Madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in haatan ay diyaar yihiin dhammaan xubnahaasi kala duwan, kadib markii xal rasmiya laga gaaray khilaaf saacadihii u dambeeyay ka taagnaa magacaabistooda.

Sidoo kale, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda magacaabo qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha Puntland iyo mas’uuliyiin kale, ka hor Kalfadhiga Baarlamanka oo ku beegan 25-ka October 2020.

PUNTLAND POST