Mas’uul ka tirsan DFS oo ka badbaaday qarax lala eegtay

Qarax sababay dhimasho iyo dhawaac ayaa caawa ka dhacay agagaarka Isgoyska KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdihso.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi, oo xiligaas marayay wadada Maka Al-Mukarama.

Agaasime Koofi ayaa ka badbaaday qaraxaas, basle waxaa dhimasho iyo dhaawac gaareen qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad shacab ah oo marayay wadada.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 2 qof oo mid kamid ah yahay rayid, halka inta la ogyahay ilaa 4 qof oo isugu jira shacab iyo askar ay dhaawacyo kala duwan gaareen, kuwaas oo la geeyay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho.

Lamaaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wali ka hadlin qaraxan oo ahaa mid laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST